loader

Dowlad goboleedka Galmudug oo loo aas-aasay si ay u noqoto maamul horseeda nabad, horumar iyo dowladnimo sugan ayaa wajahaysa caqabado waaweyn oo la xiriira hoggaan xumo, isla xisaabtanka laโ€™aan iyo aqoon yari nidaamka dowlad-wadaaga ah. ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐Š๐š๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐ž (๐๐จ๐จ๐ซ๐ช๐จ๐จ๐ซ) oo xilka hayay tan iyo 2020, wuxuu la kulmay caqabado badan, balse qaabka uu u maamulayo Galmudug ayaa si weyn u keenay suโ€™aalo ku saabsan hufnaanta laโ€™aan hogaamintiisa sharciga ka aradan.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐-๐–๐š๐๐š๐š๐ ๐š ๐จ๐จ ๐‹๐ข๐ข๐ญ๐š

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Galmudug ka taagan waa in Madaxweyne Qoorqoor uusan si dhab ah u fahamsaneyn nidaamka dowlad-wadaaga. Halkii uu xukuumaddiisa ku dhisi lahaa wada-tashi iyo kala dambeyn siyaasadeed, waxaa muuqata in awooda si gaar ah loo koobsaday.

Arrimahaas soo ifbaxay waxaa ka mid ah:

1. Maamul Galmudug oo la isku Koobay oo Dawlad Wadaag Ahayn โ€“ Qoorqoor wuxuu inta badan talada kala shaqeeya dad kooban oo isaga daacad u ah ๐˜๐ž๐ฌ ๐๐จ๐ฌ๐ฌ, taasoo keentay in la hareer-mariyo hayโ€™adihii dastuuriga ahaa ee Galmudug.

2. Golayaashii Dastuuriga Ahaa oo La Daciifiyey awoodoodii โ€“ Baarlamaanka Galmudug iyo hayโ€™adihii kale ee la xisaabtami lahaa xukuumadda ayaa noqday kuwo aan door muuqda ku lahayn goโ€™aamada waaweyn. Tani waxay dhaawacday nidaamkii isla xisaabtanka iyo hufnaanta.

3. Ismaandhaafka Siyaasadeedโ€“ Inkasta oo Qoorqoor xiriir dhow la leeyahay ๐•๐ข๐ฅ๐ฅ๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š, haddana maamulkiisa waxaa ka muuqda in uu si xad-dhaaf ah uga tagrifalaan awoodaha Dawladeed sida Dhaadhicinta Dawlada hoose Ciidanka Xoreynta oo Dib u dhacyo ku yimid Barnaajikii Dib u xoreynta Deegaanada Maqan.

๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ƒ๐ก๐š๐œ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

Maamul xumo, musuqmaasuq iyo laโ€™aanta isla xisaabtan ayaa keenay in Galmudug ay dib uga dhacdo dhinacyo badan. Waxaa ka mid ah:

โ€ข Amniga โ€“ Inkasta oo horumar laga sameeyay dagaalka Al-Shabaab, haddana waxaa wali jira weerarro joogto ah oo muujinaya in sugidda amniga aysan weli si buuxda loo gaarsiin heerkii la rabay.

โ€ข Adeegyada Bulshada โ€“ Waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha ayaa ah kuwa aan si wanaagsan loo horumarin. Dadka reer Galmudug waxay weli la ildaran yihiin adeegyo liita, halka maamulku uu xoogga saaray arrimo kale oo aan mudnaan u lahayn nolosha shacabka.

โ€ข Musuqmaasuq iyo Maamul-Xumo โ€“ Waxaa soo baxaya cabashooyin la xiriira in hantidii dadweynaha si xun loo maamulay, isla markaana mashaariic badan ay ku koobeen kooxo gaar ah.

๐“๐จ ๐›๐ž ๐œ๐จ๐ง๐ญ๐ข๐ง๐ฎ๐ž๐ฌโ€ฆโ€ฆ

๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง ๐‹๐šโ€™๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ : ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ƒ๐ข๐› ๐” ๐ƒ๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐ข๐ข?





List item 1

List item 2

List item 3

List item 4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Rako TV waa Tv Soomaaliyeed oo xaruntiisa dhexe ku taalo Magaalada Malmo ee Dalka Sweden.

Contact Us
  • +4671868464
  • news@rakotv.com
  • Bennets vรคg 42 , 21366 Malmo Sweden
Quick Link

Copyright ยฉ 2023 RAKO TV.ย  All rights reserved.