loader
Madaxwyanaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safaro shaqo oo mirodhal ah oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya; kaasi oo si guul ah ku soo dhamaaday. Waxaana Madaxweynuhu uu magaalada Washington kula kulmay Madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka masโ€™uuliyiinta ka tirsan hayโ€™adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Rako TV waa Tv Soomaaliyeed oo xaruntiisa dhexe ku taalo Magaalada Malmo ee Dalka Sweden.

Contact Us
  • +4671868464
  • news@rakotv.com
  • Bennets vรคg 42 , 21366 Malmo Sweden
Quick Link

Copyright ยฉ 2023 RAKO TV.ย  All rights reserved.