
Dowlad goboleedka Galmudug oo loo aas-aasay si ay u noqoto maamul horseeda nabad, horumar iyo dowladnimo sugan ayaa wajahaysa caqabado waaweyn oo la xiriira hoggaan xumo, isla xisaabtanka laโaan iyo aqoon yari nidaamka dowlad-wadaaga ah. ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐๐ซ๐ข๐ฒ๐ (๐๐จ๐จ๐ซ๐ช๐จ๐จ๐ซ) oo xilka hayay tan iyo 2020, wuxuu la kulmay caqabado badan, balse qaabka uu u maamulayo Galmudug ayaa si weyn u keenay suโaalo ku saabsan hufnaanta laโaan hogaamintiisa sharciga ka aradan.
๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐-๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ข๐ญ๐
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Galmudug ka taagan waa in Madaxweyne Qoorqoor uusan si dhab ah u fahamsaneyn nidaamka dowlad-wadaaga. Halkii uu xukuumaddiisa ku dhisi lahaa wada-tashi iyo kala dambeyn siyaasadeed, waxaa muuqata in awooda si gaar ah loo koobsaday.
Arrimahaas soo ifbaxay waxaa ka mid ah:
1. Maamul Galmudug oo la isku Koobay oo Dawlad Wadaag Ahayn โ Qoorqoor wuxuu inta badan talada kala shaqeeya dad kooban oo isaga daacad u ah ๐๐๐ฌ ๐๐จ๐ฌ๐ฌ, taasoo keentay in la hareer-mariyo hayโadihii dastuuriga ahaa ee Galmudug.
2. Golayaashii Dastuuriga Ahaa oo La Daciifiyey awoodoodii โ Baarlamaanka Galmudug iyo hayโadihii kale ee la xisaabtami lahaa xukuumadda ayaa noqday kuwo aan door muuqda ku lahayn goโaamada waaweyn. Tani waxay dhaawacday nidaamkii isla xisaabtanka iyo hufnaanta.
3. Ismaandhaafka Siyaasadeedโ Inkasta oo Qoorqoor xiriir dhow la leeyahay ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐, haddana maamulkiisa waxaa ka muuqda in uu si xad-dhaaf ah uga tagrifalaan awoodaha Dawladeed sida Dhaadhicinta Dawlada hoose Ciidanka Xoreynta oo Dib u dhacyo ku yimid Barnaajikii Dib u xoreynta Deegaanada Maqan.
๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐ก๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐ ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐
Maamul xumo, musuqmaasuq iyo laโaanta isla xisaabtan ayaa keenay in Galmudug ay dib uga dhacdo dhinacyo badan. Waxaa ka mid ah:
โข Amniga โ Inkasta oo horumar laga sameeyay dagaalka Al-Shabaab, haddana waxaa wali jira weerarro joogto ah oo muujinaya in sugidda amniga aysan weli si buuxda loo gaarsiin heerkii la rabay.
โข Adeegyada Bulshada โ Waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha ayaa ah kuwa aan si wanaagsan loo horumarin. Dadka reer Galmudug waxay weli la ildaran yihiin adeegyo liita, halka maamulku uu xoogga saaray arrimo kale oo aan mudnaan u lahayn nolosha shacabka.
โข Musuqmaasuq iyo Maamul-Xumo โ Waxaa soo baxaya cabashooyin la xiriira in hantidii dadweynaha si xun loo maamulay, isla markaana mashaariic badan ay ku koobeen kooxo gaar ah.
๐๐จ ๐๐ ๐๐จ๐ง๐ญ๐ข๐ง๐ฎ๐๐ฌโฆโฆ

๐๐ฌ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐๐๐ญ๐๐ง ๐๐โ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ : ๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ข๐ข?
